Guddoomiyihii Deegaanka Gaarisa Iyo Madaxda Amniga Oo Shaqada Laga Eryay

0
305

Dowladda Kenya ayaa shaqada ka joojisay Guddoomiyihii deegaanka Gaarisa Njenga Miiri iyo shan sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Booliska.

Tallaabadan shaqa ka joojinta ayaa ka dambeysay, kadib weerarkii horaantii bishan lagu qaaday jaamacadda Gaarisa, oo ay ku dhinteen ilaa 150 qof.

Wararka ayaa sheegaya in saraakiishan iyo mas’uuliyiinta shaqada laga eryay lagu eedeynayo inay suura gal tahay inay ka war hayeen weerarka lagu qaaday Jaamacadda.

Guddoomiyihii deegaanka Gaarisa Njenga Miiri ee shaqada laga joojiyay ayaa horay waxaa uu madax uga ahaa deegaanka xeebta ee Lamu, halkaasoo horay Al-Shabaab u weerartay, kuna dishay ilaa 60 qof.

Dowladda Kenya ayaa dhowrkii todobaad ee u dambeeyay qaaday tallaabooyin ay uga jawaabeysay weerarkii Jaamacadda Gaarisa, waxaana ay xayiraad ku soo rogtay xawaalado iyo akoono ay leeyihiin ilaa 86 ruux.