Guddoonka Baarlamaanka Oo Shaaciyey Xiliga Uu Furmayo Kalfadhiga 6aad Ee Baarlamaanka Soomaaliya,

0
275

Gudoonka Golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u shaaciyey in Kalfadhiga 6aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu si rasmi ah u furmayo 20ka bishan April kadib markii lasoo gebagebeeyey diyaarinta qorshayaasha Kalfadhiga 6aad ee Golaha Shacabka.

Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka C/kariin Xaaji Cabdi oo
warbaahinta la hadlay ayaa tilmaamay in Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu u go’aamiyey furitaanka Kalfadhiga 6aad ee Golaha Shacabka ay noqoto 20ka bishan April oo ku beegmi doonto maalinnimo Isniin ah,laguna qaban doono magaalada Muqdisho ee casimada dalka soomaalia,

Ugu dambeyntii Xoghayaha Guud ee Baarlamaanka C/kariin Xaaji Cabdi ayaa tilmaamay in ka hor munaasabadda furitaanka Kalfadhiga ay sidoo kale guddiga joogtada ah ee Baarlamaanka ay yeelan doonaan 15ka bishan kulan kaasi oo isna la xiriira qorshayaasha kulammada ugu horeeya ee Baarlamaanka soomaalia aay yelan doonaan,