Gudi Losaaray Dib Ucelinta Qaxootiga Soomaaliyeed Ee Ku Nool dalka Kenya

0
552

Dowladaha Soomaaliya, Kenya iyo hay’adda Qaramada Midoobey ee qaxootiga ayaa sameeyey guddi ka shaqeyn doono dib u celinta qaxootiga Soomaalida ee xeryaha Dhadhaab.

Guddiga oo ka kooban afar xubnood, ayaa kala matalayo saddex dhinac, wuxuuna dardargelin doonaa hannaanka iyo fududeynta dib u celinta kumannaanka qaxootiga ee ku jira xerada qaxooti ee ugu weyn adduunka.

Sameynta guddiga, ayaa ka dambeysay kulan ay labada wasiir arrimo dibadeed ee Soomaaliya, Kenya iyo wakiillo ka socda UNHCR Nairobi ku yeesheen Talaadadii.

Aamino Maxamed Wasiirka arrimaha dibadda Kenya, ayaa sheegtay in guddigan uu labada dowladood iyo UNHCR kala shaqeyn doono in ay is-weydaarsadaan aragtida iyo wada-xaajoodyada ku wajahan sida ugu macquul ee dhakhsaha, ee loo celin karo qaxootiga.

Mr Aamino ayaa sheegtay in aanay jirin, waqti loo qabtay in qaxootiga Soomaaliya ay ku noqdaan, hase yeeshee ay jiraan waxyaabo badan oo ay tahay in la sameeyo ka hor dib u celinta.

Heshiiska, si iskood ah qaxootiga loogu celinayo dalkooda ayaa la saxiixay 2013, wuxuuna dhacayaa bisha September ee sannadka dambe.

qaxooti soomaali ah