Gudoomiye ku Xigeenka Gobolka Mudug oo qarax lala beegsaday.

0
317

inta la hubo shan qof oo shacab ah ayaa ku dhaawacmay weerarkan oo lala damacsanaa in lagu qaarijiyo gudoomiye ku xigeenka labaad ee gobolka Mudug Axmed Muuse Nuur( Sanyare) oo marayay meel ku dhow cisbitaalka guud ee magaalada Gaalkacyo.

Waxaa la sheegay in masuulka la beegsaday uu ka bad-baaday qaraxa ,isla markaana waxaa bur-bur xoogan uu soo gaaray gaarigiisa ,iyadoo dadka dhaawacmay loola cararay goobaha caafimaadka ee degmada gaar ahaan cisbitalka.

Ilaalada gudoomiyaha iyo qaar kamid ah ciidanka amniga ayaa la sheegay in howl-galo ay sameeyeen lagu qab-qabtay dhowr ruux oo lala xiriirinayo qaraxan ,waxaana la sheegay in gudoomiye ku xigeenka dhaawaciisa iminka lala tacaalayo.

Maamulka degmada Gaalkacyo oo aan la xiriirnay ayaa ka gaabsaday in ay ka hadlaan weerarkan ,waxaana jirta cabsida laga qabo in dadka dhaawaca ah ay tiradooda sii kororto,iyadoo saamaynta qaraxan laga dareeemayo waqooyiga Gaalkacyo.

Ugu danbayn,amniga magaalada Gaalkacyo ayaa maalmihii la soo dhaafay ahaa mid liita, inkastoo ay jiraan howl-gallo amni sugid ah oo ay wadaan ciidamada amniga Puntland,waxaana maamulka gobolka Mudug uu dhawan ku hanjabay in la ciqaabi doono cidii loo soo qabto arimo la xiriira Al-shababnimo.