Hadliye: Xuutiyiinta waa laga weerari karaa Hawada iyo Badda Soomaaliya

0
319

Wasiirka arrimaha dibadda ee xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Cabdisalaam Cumar Hadliye ayaa sheegay in dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay oggolaatay in hawada, dhulka iyo badda Soomaaliya loo isticmaalo weerarrada ka dhanka ah jabhadda Xuutiyiinta dalka Yemen.

Toban dal oo uu hooggaaminayo Sacuudiga ayaa duqeyn ka wada magaalooyin ka tirsan dalka Yemen, kadib markii uu codsi ugu yimid madaxweynaha dalka Yemen Cabdi Rabbuh Mansuur Haadi oo dagaal kula jira jabhadda Xuutiyiinta.

Hadliye oo la hadlayay BBC ayaa sheegay in Soomaaliya ay kamid tahay Jaamacadda Carabta iyo ururka Islaamka, sidaa darteed ay qaadatay siyaasadda dowladaha kale ee ku mideysan ururradan.

Wuxuu tilmamay in lasoo weydiistay in haddii loo baahdo la isticmaalo hawada, dhulka iyo badda Soomaaliya, taasna ay oggolaatay dowladda federaalka ah.

Dhinaca kale wuxuu tilmaamay in dowladda oo kaashaneysa dowladaha carabta iyo deeq bixiyeyaasha ay waddo qorshe dalka dib loogu soo celinayo qaxootiga Soomaalida ah ee ku nool dalka Yemen oo gaaraya in kabadan 250,000.

Wuxuu xusay in arrinta dib u celinta qaxootiga Soomaalida ay kawada shaqeynayaan isaga, wasiirrada arrimaha gudaha iyo ammaanka iyo  hay’adda Qarammada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR.