Hay’adda Amnesty International Oo Xukuumada Kenya Uga Digtay Celinta Qoxootiga Dhadhaab

0
224

Hay’adda Amnesty International ayaa go’aankii ay Kenya ku dhawaaqday ee ahaa in 350,000 oo qoxooti Soomaaliyeed ah dib loogu celinayo gudaha Somalia ay tahay mid xad-gudub ku ah sharciyada caalamiga ah ee Qoxootiga.

Xeryaha Dhadhaab ayaa ah xeryaha qoxootiga kuwa ugu weyn caalamka, iyagoo ku taalla gobolka Waqooyi-bari ee Kenya qiyaastiina u jirta 100-km magaalada Gaarisa oo dhawaan uu ka dhacay weerar lagu dilay 148-qof, kaasoo mas’uuliyaddiisa Al-shabaab sheegatay.

Madaxweyne ku xigeenka Kenya, William Ruto ayaa 11-kii bishan Abriil sheegay inay ku wargeliyeen hay’adda Qoxootiga Adduunka ee UNHCR inay dib ugu celiso Qoxootiga ku jira xeryaha Dhadhaab gudaha Soomaaliya; haddii kale ay iyagu u rarayaan.

Dowladda Soomaaliya ayaan ka talin deegaanno badan oo Koonfurta iyo Bartamaha dalka Soomaaliya ku yaalla, goobahaasoo ay ka dhacaan rabshadaha ugu badan ee dhibaatadu ay kasoo gaarto dadaka shacabka ah. Waana mid Sharciyada Caalamka u yaalla ee ilaalinta Qoxootiga ku noqonaysa xadgudub – haddii Qoxootiga Dhadhaab ku nool dib loogu celiyo deegaannada aan xasilloonayn oo ay ka dhacaan xad-gudubyo ka dhan ah Aadanaha.

Ma ahan markii ugu horreysay oo ay Kenya go’aansatay in qoxootiga Dhadhaab ku jira ay dib ugu celiso Somalia. Bishii November 2013 ayay dowladaha Soomaaliya, Kenya iyo UNCHR waxay kala saxiixdeen heshiis dhigayay in Qoxootiga Dhadhaab ciddii ogol inay dalkooda ku laabato la caawiyo, balse aan la khasbin.

Ugu dambeyn, hay’addu Amnesty International waxay dowladda Kenya ku boorrisay inay dhowrto dhamaan sharciyada caalamiga ah ee lagu ilaalinayo Qoxootiga. Isla markaana ay difaacdo Qoxootiga Soomaaliyeed oo qaarkood ay sannado badan ku noolaayeen Dhadhaab iyo dadka kale ee magan-galyo doonka oo dalkooda imaanaya.