Hillary Clinton Oo Shegtay In Aay Uu Tagan Tahay Qabashada Xilka Madaxweynanimo Ee Dalka Mareykanka

0
165

Hillary Clinton ayaa shaaca ka qaaday in ay isu soo sharaxeyso jagada madaxtinimada ee doorashada ka dhici doonta Mareykanka 2016-ka.

Hilary oo mar noqotay Xoghayaha arrimaha dibada ee Mareykanka ayaa waxay ku shaacisay musharaxtinimadeda muuqaal ay soo dhigtay barta ololaheeda.

Waxay sheegtay in ay doonayso in ay noqoto hormuudka riyada ama hamiga dadka caadiga ah ee Mareykanka.

Madaxweyne Obama ayaa ku taageeray tallaabadaas aay qaday mr Hillary Clinton
Hilary Clinton waxay isku deyda in ay hanato hoggaanka xisbiga Demoqaraadiga doorashooyinkii 2008-dii, balse waxa uga guulaystay Barack Obama oo hadda ah madaxweynaha hayaa taladda dalkaasi mareykanka.

Waxa la filayaa in bilawdo ololaheeda todobaadkan waxayna booqan doontaa gobolo badan oo ku yaal dalkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here