Hordhac: As Monaco vs Juventus: Max. Allegri Nasiib Ma U Yeelan Doonaa Inuu 12-sano Kadib Juve Semi Final Geeyo

0
463

 

Juventus ayaa u safreysa dalka Faransiiska iyadoo halkaa lugta labaad ee wareega Quater finalka kula soo ciyaari doonta kooxda As Monaco.

Bianconerri sanadii 2003 ayaa ugu dambeysay iney gaarto Semi Finalka tartankaan markaasna waxey tagtay finalka walow ay rigoorayaal ku lumiyeen kulan ay la yeesheen Ac Milan.

Lugtii hore ee labadaan kooxood dhexmaray waxaa 1-0 kusoo adkaaday Juventus waxeyna kaga mahad celinayaan rigoore uu dhaliyay Arturo Vidal markii xerada horteeda lagu riday Alvaro Morata.

WARBIXINTA KULANKA:

Kulanka: As Monaco vs Juventus

Tartanka: Champions League

Wareega: Quater Final – Lugta Labaad –

Garoonka: Stade Louis II

YAA MAQAN, YAASE CIYAARI DOONA?

 

Sida horay loo sheegay Paul Pogba ayaa ka mid ah afar xidig oo ka maqnaan doonta Juventsu kulanka caawa waxaana ku jira liiska Kwadwo Asamoah, Martin Cacares iyo Romulo.

Alvaro Morata, Roberto Pereyra iyo Stephan Lichtsteiner ayaa la nasiyay kulankii Lazio, waxaana la filayaa iney caawa kusoo laabtaan kooxda, sidoo kalana Barzagli ayaa isna laga yaba inuu kursiga galo waa hadii Allegri uu adeegsado afar difaac.

Dhanka kale Monaco ayaa weyneysa Geoffrey Kondogbia iyo Jeremy Toulalan, sidoo kale waxaa kooxda dib ugu soo laabanaya Fabinho Abdennour iyo Kurzawa.

Tiemoue Bokayako ayaa shaki la galinayaa kaas oo seegay kulankii todobaadkaan ee Rennes.

MA OGTAHAY:

Juventus labadii lug wey guuleysatay is aragii ugu dambeeyay oo ay tartamada yurub isku arkeen, inkastoo Juventus ay markaas finalkii ku lumiyeen gacmaha Real Madrid.

LINE UPKA MACQUULKA AH:

AS MONACO:

Subasic; Toure, Abdennour, Wallace, Kurzawa; Fabinho, Moutinho, Silva; Ferreira Carrasco, Matheus Carvalho; Berbatov

JUVENTUS:

Buffon; Lichtsteiner, Bonucci, Chiellini, Evra; Pereya, Pirlo, Marchisio; Vidal; Tevez, MorataMonaco vs Juventus