Hordhac: Man United vs Man City: Old Trafford Oo Marti Galin Doona Manchester Derby

0
402

 

Kooxaha ka wada dhisan magaalada Manchester ayaa maqribnimada maanta ah ku ciyaari doona garoonka Old Trafford, waana kulan xasaasi ah oo labada kooxood muhiim u ah.

United ayaa guul u baahan si ay u adkeysato kaalinta sadexaad ee horyaalka, halka Ciy ay u baahan tahay guul si ay madaxa ula soo kacdo una istaagto kaalinta sadexaad.

WARBIXINTA KULANKA:

Kulanka: Man United vs Man City

Tartanka: FA Premier League

Garoonka: Old Trafford

Saacadda: 6:00 Maqribnimo (Xiliga Geeska Afrika)

YAA MAQAN, YAASE CIYAARI DOONA?

Robin Van Persie ayaan ciyaari doonin kulankaan, sidoo kalana waxaa maqnaan doona Luke Shaw iyo Evans kuwaas oo ganaax iyo dhaawacyo ku kala maqan, sidoo kalana Smalling ayaa shaki la galinayaa.

Dhanka kale kabtan Kompany ayaa shaki la galinayaa inuu ciyaaro, halka Bonny isna ay macquul tahay inuu seego kulankaan.

XAQIIQADA KULANKA:

 

Man United qasaaro ayey kala kulmeen Man City afartii kulan ee ugu dambeysay, walina ma dhicin in shan kulan oo xiriir ah la garaaco.

Sergio Aguero ayaa dhaliyay afar gool sadexdii kulan ee ugu dambeysay oo uu ka hortagay Man United.

Dhamaan afarta gool oo uu Edin Dzeko ka dhaliyay Manchester United wuxuu ku dhaliyay Old Trafford.

Kaliya sadex gool ayuu Rooney Man City kaga dhaliyay Old Trafford isagoo guud ahaan ka dhaliyay sideeed gool, sadexdii ugu dambeysayna Etihad ayuu kaga dhaliyay.

Man City ayaan lumin afar kulan oo xiriir ah oo ay banaanka ku ciyaarto tan iyo sanadii 2006 markaas oo uu macalin u ahaa Stuart Pearc.

Sergio Aguero ayaan gool Dhalin lixdii kulan ee ugu dambeeyay oo uu kasoo muuqdo Manchester City.

Aguero ayaa barbaro la ahaa Suarez iyo Nolan, goolasha laga dhaliyo EPL-ka kuwaas oo gaaraya 69-gool tan iyo 21-kii February.

Ander Herrera ayaa noqday xidigii 15-aad oo reer Spain ah oo laba gool ka badan ka dhaliya EPL-ka, waxaana kaga horeeya Juan Mata, David Silva iyo Jesus Navas.

LINE UPKA MACQUULKA AH:

Man United:

De Gea; Valencia, Jones, Rojo, Blind; Carrick, Herrera; Mata, Fellaini, Young; Rooney

Man City:

Hart, Sagna, Kompany, Demichelis, Clichy, Nasri, Fernandinho, Toure, Milner, Silva, Aguero

Manchester Derby