Hordhac: Real Madrid v Granada – Los Blancos Oo Indhaha Ku Heysa Inay Ka Soo Kabsato Guuldaradii El Clasico Oo Ay Hogaanka Ku Ciriiriso Barcelona.

0
358

partido_granada_3770206852

Kulanka: Real Madrid v Granada 

Garoonka: Bernabeu

Waqtiga: 1da duhurnimo Saacada Geeska Afrika

Kooxda Real Madrid ah oo jahwareersan ayaa isku dayi doonta inay ku soo laabato wadada guulaha kulanka maanta ee La Liga ee ay Bernabeu ku martigelinayaan kooxda Granada ee dhibtooneysa.

Fasax ciyaaro heer caalami ah oo la galay ayaa ka celisay tababare Carlo Ancelotti inuu sii saaro jawaab degdeg ah ka dib guuldaradii niyadjabka laheyd ee ka soo gaartay El Clasico, halka kooxda martida ah maanta ay raadineyso guul lama filaan ah oo ay ku kiciyaan rajadooda ay ku badbaadi karaan xilli ciyaareedkan.

Ciyaartoyda, macalimiinta iyo taageerayaasha Real Madrid ayaa ah howshooda ugu weyn inay isku dayaan inay ka soo kabsadaan guuldaradii El Clasiso, gaar ahaan marka natiijadaas ay faa’ido u gacangelisay Barcelona oo la xiriirta tartanka horyaalka.

Guushii Barcelona ay gaartay ayaa ka caawisay inay afar dhibcood ku qabtaan horyaalka, waxaana mar kale sarre u kacay cadaadiska saaran Ancelotti iyo ciyaartoydiisa iyadoo 10 kulan ay ka harsan tahay xilli ciyaareedka.

Macalinka qibrada leh ee Talyaaniga ayaa doonaya inuu ciyaartoydiisa gaarsiiyo fariinta ah in horyaalka aan lagu kala bixin weli, waxaana la qiyaasi karaa in ugu yaraa hal isbedel uu dhici karo ka hor dhamaadka xilli ciyaareedka, laakiin Real ma awoodo guuldarro kale haddii ay doonayaan inay qabtaan kooxda qaab ciyaareedka fiican ku jirta ee Barcelona.

Hal guul oo ay gaareen shan kulan oo tartamada oo dhan ah ayaa ah wax ay la yaabi karaan dadka intooda badan, xaaladaha ku gaaf wareegsan kooxda isbuucyadii ugu danbeysay ayaana ah midka iska cad, iyadoo Gareth Bale uu ku dhibtoonayo inuu helo kalsoonida taageerayaasha islamarkaana ay socoto xan la xiriirta in Ancelotti uu shaqadiisa waayi doono haddii uusan ku guuleysanin La Liga ama Champions League.

Natiijo kale oo niyadjab leh ama qaab ciyaareed hooseeya ma noqon doonto wax ay aqbali doonaan jamaahiirta martida loo yahay maanta, iyadoo Real ay cadaadis ugu jirto inay guul weyn ka gaarto kooxda u dagaalameysa inaysan ka harin La Liga ee Granada.

Kooxda martida loo yahay waxaa ka maqnaan doona daafaca dhexe Pepe kaasoo ku dhaawacmay guuldaradii ka soo gaartay Barcelona ka hor kulamadii heerka caalami.

Maqnaanshiyaha Pepe ayaa la micno ah in Raphael Varane uu ka garab ciyaari doonto Sergio Ramos wadnaha daafaca, laakiin Ancelotti ayaa la filayaa inuusan isbedel weyn ku sameynin shaxdiisa kulanka duhurtii ee maanta, iyadoo Bale, Benzema iyo Cristiano Ronaldo ay mar kale hogaamin doonaan weerarka.

Isco ayaa kulankaan ganaax ku seegi doona, laakiin waxaa jira war wanaagsan oo u soo yeeray Real isbuucaan iyadoo James Rodriguez uu ku soo laabtay kooxda ka dib markii uu ka soo kabsaday dhaawac cagta ah, tababare Carlo Ancelotti ayaana xaqiijiyay inuu ku soo bilaabi doono kulanka maanta. Waxaana uu sheegay inuu nasasiin doono Carvajal iyo Khedira.

SHAXDA MACQUULKA AH:

Shaxda Kooxda Real Madrid: Casillas, Arbeloa, Varane, Ramos, Marcelo, Modric, Kroos, James, Bale, Benzema, Ronaldo.

Shaxda Kooxda Granada: Oier, Nyom, Murillo, Babin, Insua, Perez, Rico, Marquez, Bangoura, Piti, Cordoba.