{DAAWO SAWIRADA}AMISOM Oo Tababar u Soo Xirtay Ciidamo ka Tirsan Booliiska Soomaaliya

0
337

AMISOM ayaa afartan Haween ah oo ciidanka booliiska Soomaaliya ka tirsan ayaa tababar ugu soo gunaanaday magaalada Muqdisho, kuwaasoo ka kala socday dhammaan saldhigyada booliiska gobolka Banaadir, waxaana la baray shaqada ciidamada iyo doorka ay ku leeyihiin ka qayb-qaadashada howlaha kala duwa ee booliiska.

tababarka ayaa waxaa haweenkan booliiska ka tirsan lagu baray casharro ay ka mid yihiin; xuquuqda aadanaha, sidii haweenka iyo raggu ay taliyeyaal uga noqon lahaayeen ciidamada iyo dhisidda kalsoonida ay shacabka Soomaaliyeed ku qabaan ciidamadooda.

Faadumo C/qaadir C/shakuur oo ka mid ahayd haweenkii booliiska ahaa ee ka faa’iideystay tababarka ayaa sheegtay inay barteen aqoon aanay horay u aqoon. Iyadoo xustay inay si wanaagsan ugu shaqeyn doonaan aqoonta la baray, waxayna u mahadcelisay haweenka booliiska AMISOM ka tirsan ee tababarka siiyay

Ciidamada AMISOM ayaa mudooyinkii dembe ku howlana Tababarka Ciidamada booliska soomaaliya tababarka Ciidama ka tirsan ciidamada booliska soomaaliya.

Ciidamada booliska. 1jpg Ciidamada booliska. 2jpg Ciidamada booliska