Deg’Deg Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Juba Oo Lagu Dhawaaqay

0
382

Waxaa goor dhaw lagu dhawaaqay xildhibaanada Baarlamaanka maamulka KMG ee Jubba, ka dib munaasabad ka dhacday magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubada Hoose.

Xildhibaanadaan ayaa durba waxa ay gudoomiyaha KMG ee baarlamaanka maamulka Jubba u doorteen Sheekh Cabdi Yuusuf oo ah xildhibaanka ugu da’da weyn mudanaayasha baarlamaanka Jubba.

Xildhibaanada ayaa la dhaariyay, iyadoo tiradoodu ay tahay 75 mudane, waxaana madasha xildhibaanada looga dhawaaqayay ay ku sugnaayeen mas’uuliyiin ka mid ah maamulka KMG ee Jubba.

Ku dhawaaqida mudanayaasha baarlamaanka KMG ah ee juba ayaa ku soo begmaya xili manta magaalada Kismaayo ay kulan ku yeshen odayaal iyo Waxgarad ay kaga soo horjesten Nidaamka loo soo xulaya Baarlamaanka Juba.