Kal’fadhigii Lixaad Ee Baarlamaanka Soomaaliya Oo Lagu Wado Inuu Furmo

0
232

Kal-fadhigii 6-aad ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa manta lagu wada inuu furmo ammaanka Xarunta Baarlamaanka ayaa la adkeeyay, gaar ahaan waddooyinka ku dhow xarunta Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya.

Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya Mudane Xasan Sh. Maxamuud ayaa kal-fadhigan furi doona, iyadoo horay guddiga joogtada ee baarlamaanka ay ugu dhawaaqay in 27-ka bishan oo maanta ku beegan ay kulamadu furi doonaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa lagu wadaa inuu furitaanka kal-fadhigan ka jeediyo khudbad uu diiradda ku saaray xaalada siyaasadeed ee uu dalku ku sugan yahay xilligan, gaar ahaan ammaanka, howlaha horyaalla dowladda iyo Hiigsiga 2016-ka.

Guddoomiyaha baarlamaanka iyo ku-xigeenadiisa ayaa si wadajir ah u shir-gudoomin doona kulanka, iyadoo Gudoomiyaha Baarlamaanka uu fadhiga ka akhrin doono howlaha horyaalla baarlamaanka Somalia inta uu socdo kal-fadhigan lixaad.

Ammaanka guud ee magaalada Muqdisho iyo waddooyinka gala xarunta uu ku shiro baarlamanka ayaa la adkeeyay, iyadoo ay ku sugan yihiin ciidammo ka kooban kuwa dowladda iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM.