Kenya oo Maxkamad soo taagtay rag ku Eedeeysan Weerarkii Gaarissa

0
326

Maxkamad ku taala magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa amartay in in 5-qof oo Kenyan ah iyo qof kale oo kasoo jeeda dalka Tanzania dib loogu celiyo xabsiga mudo 30-maalmood ah kuwaasi oo lagu soo eedeyey in ay wax ka ogaayeen weerarkii Jaamacada Garisa oo ay sheegatay Al-shabaab kuna dhinteen 148-qof si loo sii wado su’aal waydiin lagu haayo.

Kanalka Russia Today ee luuqada Englishka ku hadasha ayaa sheegtay in maxkamada ay ka ogolaatay xubin ka tirsan dacwad ogaayashaa wadankaasi in lixdaasi qof dib loogu celiyo xabsiga.

Xarakada Al-shabab ayaa ku hanjabay in ay si wadi doonto qal qal galinta amaanka dalka Kenya.