Kenya oo shaacisay magacyada 9-ruux oo ay ku tilmaantay argagixiso {DAAWO SAWIRKA}

0
515
Dowladda Kenya ayaa shaacisay Magacyada iyo Sawiradda rag lagu eedeeyay inay qatar ku yihiin amniga Kenya.

Waxaana ka mid ah raga magacyadooda la shaaciyay,Muumin Abdalla Muumin, Suleiman Mohamed Awadh, Abdifatah Abubakar Abdi aka Musa Muhajirm, Abdalla Salim Marumu, Mohamed Abubakar Mohamed and Mahir Khalid Rizik oo badi ka soo jeeda gobolka Xeebta dalka Kenya ku yaalo.

Laamaha amaanka ayaa sheegay in ragaasi Qatar xaga amniga ah ku yihiin dalka Kenya,islamarkaana Shacabka ugu baaqay inay soo war geliyaan Laamaha amniga hadii ay xog ka helaan.

Ragaan magacyadooda la shaaciyay ayaa Kenya waxay tilmaantay inay ku dhuumaaleysanayaan Keymaha Boni,islamarkaana qorsheynayaan falal amniga lid ku ah.

Dowlada Kenya ayaa feejignaan dhanka amaanka ah ku jirta wixii ka danbeeyay weerarkii dhimashada badnaa ee lagu qaaday Jaamacada Gaarisa oo xadka Kenya la wadaagto Soomaaliya ku taalo.

9 QOF OO LOGA SHAKIYAY