Kenya oo soo bandhigtay sawirada ragg looga shaki qabo inay weeraro ka geystaan Gobolka xeebta

0
309

Dowladda Kenya ayaa soo bandhigtay sawirada afar ruux oo aad loo raadinayo, kuwaasoo la sheegay inay qorsheynayaan weeraro ay ka geystaan gobolka xeebta ah dhamaadka todobaadkan.

Booliska ayaa sheegay in warbixino sirdoon oo ay heleen ay raggan xiriir la leeyihiin Al-Shabaab, waxaana ay sheegeen inay suura gal tahay in saraakiishooda ay u soo direen Kenya, si ay weeraro uga fuliyaan.

Mid ka mid ah afarta ruux oo lagu magacaabo Abdulkadir Abubakar Abdulkadir ayaa la dashay mid ka mid ah saddex gabdhood oo horay Ciidamada Booliska ka qabteen magaalada Mandhera, xilli ay doonayeen inay tallaabaan xuduuda Soomaaliya.

Sidoo kale haweenka kale ee bishii la soo dhaafay lagu qabtay Mandhera, iyagoo isku dayay inay u gudbaan Soomaaliya ayaa la sheegayaa inay guursadeen dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab.

Waxaa kaloo ciidamada ay baadigoobayaa Issa Abdallah Kauni, kaasoo degenaa magaalada Mombasa, waxaana waalidiintiisa ay waayeen sanadkii hore, waxaana waalidiintiisa ay u diiwaan geliyeen sida qof la waayay oo kale.

 

Dowladda ayaa aaminsan in wiilkan uu u safray Soomaaliya, si uu ugu biiro Al-Shabaab, waxaana uu xiriir la lahaa Mr Abdulkadir.

Labada kale waa walaalo, waxaa lagu kala magacaabaa Ahmed Said Omar oo lagu naaaneyso Dogo iyo Hussein Said Omar oo lagu naaneyso Babli.

Afartan ruux ee si aad ah ay u baadigoobeyso dowladda Kenya ayay waxay madaxooda saartay abaal marin lacageed oo gaareysa labo milyan lacagta Kenya.

Booliska ayaa sheegay in cidii macluumaad sahli karta in la soo qabto tuhunsanayaasha la siin doono abaal marintaas lacageed, waxaana Booliska uu soo bandhigay taleefano lagala soo xiriiri karo, cidii aragta ama heysa halka ay raggaas ku sugan yihiin

Laamaha Ammaanka Kenya ayaa qaaday tallaabooyin amni oo loogaga jawaabayo weerarkii 2 April Al-Shabaab ku qaadeen Jaamacadda Gaarisa, halkaasoo lagu dilay in ka badan 140 ruux oo arday u badnaa.

wanted