Kooxo Hubeysan Oo Xalay Weerartay Saldhig Boolis Oo Ku Yaal Magaalada Boosaaso

0
248

Dabley hubeysan ayaa xalay weerartay Saldhiga Booliska Baalade ee magaalada Boosaaso, iyadoo is rasaaseyn muddo socotay ay dhex martay dableyda iyo ciidamo boolis ahaa oo ku sugnaa Saldhiga.

Sida ay sheegayaan wararka dableyda ayaa markii dambe baxsaday, waxaana weerarka ku dhaawacmay Taliyihii Booliska Saldhiga Baalade.

Taliyaha qeybta booliska ee Gobolka bari G/sare C/xakiin Yuusuf Xuseen oo la hadlay VOA ayaa sheegay in ragga weerarka soo qaaday ay iska caabiyeen ciidamada booliska, waxaana uu xusay in haatan ay baadigoob ku hayaan kooxahaas.

Waxaa uu sheegay in goobta weerarka uu ka dhacay uu tagay daqiiqado kadib, waxaana uu xusay in dhaawac fudud uu soo gaaray Taliyaha saldhiga Baalade.

Taliyaha ayaa sheegay in ciidamada booliska ay gacanta ku soo dhigeen dhalinyaro lagu tuhmayo weerarkaas, waxaana uu xusay in baaritana ku socdo.

Weeraro ayaa habeenadii la soo dhaafay lagu qaadayay goobo kala duwan oo ku yaala gudaha magaalada Boosaaso, waxaana weerarada mas’uuliyadooda sheegatay Al-Shabaab.