Ku Xigeenka Madaxweynaha Kenya William Rutto “Shirqoolada Al-shabaab lama ogaan karo”

0
368

Madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya William Rutto ayaa sheegay in aan la ogaan karin qorshayaasha Al-shabaab ay weerarada ugu soo maleegayaan dalkaasi Kenya taas uu ku tilmaamay mida keentay in weeraro is daba joog ah ay qal qal ku galinayso amaanka dalka Kenya ay Al-shabaab ay ka sameeynayso gobolo ka tirsan wadankaasi.

Rutto waxa uu muujiyay in ay ku adkaan doonto laamaha amaanka Kenya helida xogta ku aadan shirqoolada Al-shabaab ay u malaygeyso shacabka iyo dowladda Kenya.

Rutto waxa uu yiri “muwadiniin u dhalatay Kenya ayaa ku lug leh weerarada Al-shabab Kenya ay ka geestaan taasina ma sahli karto xogta kooxda in la ogaado”.

Warbaahinta dalkaasi Kenya ayaa ku dhaleecesay laamaha amaanka in ay ka daaheen weerarkii lagu qaaday Jaamacada Garisa oo ay goobta tageen 7-saacadood kadib.

wilam rutte