Kulan Looga Hadlayaya Dhibaatada Qaadka Oo Muqdisho Lagu Qabtay

0
436

Waxaa magaalada Muqdisho xalay lagu qabtay kulan bulshada Soomaaliyeed looga wacyigelinayo dhibaatada uu leeyahay Qaadka, kaasi oo ka dhacday degmada Boondheere ee magaalada Muqdisho.

Waxaa halkaasi shacab u badan dhalinyaro iyo Haween kula hadlay Abukar Cawaale Qeybdiid oo maalmahaan magaalada Muqdisho iyo gobalada kale ee dalka ka waday olole qaadka looga soo horjeedo.

Mr Cawaale ayaa sheegay in qarash badan lagu bixiyo qaadka islamarkaana aanu dalka wax faa’ido ah kasoo gelin, halka ay ka faa’idaan dalalka Qaadka dalka keena.

Waxa uu sheegay in hadii shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ay diidaan Qaadka, ay sidoo kale diidi doonaan gobalada kale ee dalka, dalkana isbedal buuxa oo dhan walbo leh laga dareemi doono.

Abuukar Cawaale Qaad diid ayaa lagu xusuustaa in kaalin xoogan uu ka qaatay sidii dalka Ingiriiska looga joojin lahaa Qaadka, iyadoo Soomaali badan Qaadka ay halkaasi ku cuni jireen.