Maamulka cusub ee degmada Mahaday oo maanta xilka lagu wareejiyay {DAAWO SAWIARADA}

0
471
Munaasabad ay xilka kula wareegeen maamulka cusub ee degmada Mahaday oo maanta ka dhacday magaalada Mahaday ee gobolka Sh/dhexe.
Guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Cali Cabdullahi Xuseen iyo ku xigeenadiisa ayaa ka qeybgalay munaasabadan oo ka dhacday beer cambe ah oo ku taal degmada Mahaday.
Guddoomiyihii hore ee degmada Mahaday Shariif Abuukar Axmed oo munaasabadan ka hadlay ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu wareejiyo xilka guddoomiyanimada degmada uuna u rajeynayo maamulka cusub ee uu ku wareejiyo.
Axmed Xuseen Afrax oo ah guddoomiyaha cusub ee degmada Mahaday oo ka hadlay munaasabadan ayaa sheegay in uu wax ka qaban doono arrimaha ammaanka, waxbarashada, caafimaadka,dib u dhiska, dib u heshiisiinta iyo horumarinta guud, waxana uu guddoomiyaha ka codsaday degmada Mahaday in ay gacan ku siiyaan maamulka cusub.
Guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Cali Cabdullahi Xuseen oo isna hadal ka jeediyay munaasabadan ayaa uga mahadceliyay guddoomiyihii hore ee degmada Mahaday Shariif Abuukar Axmed sida uu dimuquraadiyada leh oo uu ku wareejiyay xilka maamulka degmada.
“Xil wareejintan waa tii ugu horeysay ee ka dhacday degmada Mahaday muddo ka badan 24 sano, waxaan rajeynayaa in madaxda dambe aad codkiina ku dooran doontaan,”ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe.
Munaasabadan xil wareejinta ah ayaa waxaa goob joog ka ahaa saraakiil ka socotay ciidamada AMISOM ee ku sugan degmada Mahaday iyo sidoo kale saraakiil ka socotay ciidamada xoogga dalka Soomaaliya.
Hase yeeshee maamulka cusub ee degmada Mahaday ayaa waxaa horyaal inuu wax ka qabto arrimo faro badan iyadoo degmada Mahaday ay tahay mid dib u dhac weyn uu ka haysto dhinacyada adeega bulshada sida waxbarashada iyo caafimaadka.
mahaday (4)
Cabdi Fitaax Nuur Saney Socdaal
Radio hiiraanwey Jowhar