Maamulka Puntland oo Al-shabaab u Hanjabtay

0
311

Guddoomiye Kuxigeenka Koowaad ee Gobolka Mudug ee Maamulka Puntland Axmed Muuse Nuur oo Warbaahinta kula hadlay Gaalkacyo ayaa Hanjabaad u diray Al-shabaab,waxaana uu sheegay in Maamulka Puntland uu wadi doono Dagaalka ay kula jiraan Xarakada Al-shabaab.

Axmed Muuse Nuur ayaa Tilmaamay in Al-shabaab ay ku dhex dhuuntaan Shacabka Magaalada Gaalkacyo,waxaana uu Ka Codsaday in Shacabka ay la shaqeeyaan.

Shalay ayey aheyd markii Guddoomiye Kuxigeenka Gobolka Mudug ee Puntland Axmed Muuse Nuur lagu qarxiyay Magaalada Gaalkacyo inkastoo uu ka badbaaday.