Maamulka Ximan Iyo Xeeb Oo Ka Horyimid Hadalkii Madaxweynaha Ka Soo Yeray,

0
313

Wararka ka imaanaya Magaalada Cadaado ee Xarunta Maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa sheegaya  in Ximan iyo Xeeb ay ka soo horjeesatay Hadalkii Madaxweynaha Soomaaliya oo ahaa in Caasimadda Maamulka Gobolada Dhexe loo dhisayo ay tahay  Magaalada Dhuusamareeb ee xaruunta g/balka galgaduud,

Kulan madaxda mamulka ximin iyo xeeb ku dhexmaray magalada Cadaado ayaa la soo Warinayaa in Ximan iyo Xeeb ay kaga soo horjeesatay Hadalka Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud uu ka jediyay magalada dhuusamareeb,

Madaxweynaha soomaalia Xasan Sheikh Maxamuud oo Galabta Magaalada Dhuusamareeb ku soo Xiray Shirkii Dib u heshiisiinta Beelaha Daga Gobolada Mudug iyo Galgaduud ayaa ku dhawaaqay in Caasimadda Maamulka la dhisayo ay tahay Degmada Dhuusamareeb gogsha shirkana uu ka furmanaayo degmada cadaado oo ah xaruunta mamuulka ximin iyo xeeb,