Macalinka Liverpool Rodgers Oo Si Kulul U Weeraray Wakiilka Raheem Sterling Ka Dib Guuldaradii Arsenal Ka Soo Gaartay.

0
414

Macalinka Liverpool Brendan Rodgers ayaa weerar ku qaaday wakiilka Raheem Sterling ka dib markii Liverpool lagu dubtay shalayto garoonka Emirates Stadium.

Arsenal ayaa ugu yaraan si ku meel gaar ah ku gashay kaalinta labaad ka dib goolal ka yimid Mesut Ozil iyo Alexis Sanchez ay ka mid ahaayeen goolashii ay ku badiyeen ee 4-1.

Sterling ayaa ku soo bilowday ciyaartaan inkastoo shaki la gelinayay inuu baaqi ku sii ahaanayo Anfield xilli ciyaareedka soo socda. Sterling ayaa iska diiday qandaraas cusub oo uu isbuucii ku qaadanayo 100 kun ginni laakiin wareysi uu siiyay BBCda ayuu ku sheegay inuu diirada saarayo koobab ee uusan dooneynin lacag kaash ah.

Sidaasi oo ay tahay Rodgers ayaa caradiisa kala duldhacay Aidy Ward oo ah wakiilka Sterling isagoo yiri: “Raheem waa wiil yar oo lagula taliyay inuu wax kale sameeyo.

“Raheem ma ahan 20 sanno jir inta taleefanka soo qaato weydiista BBC inuu wareysi siiyo. Gaar ahaan isaga.

“Waxa uu kaliya doonayaa inuu kubadiisa ciyaaro.

“Horumar ayuu ku sameyn karaa Liverpool sannadaha soo socda.

“Waa shaqada la taliyayaashiisa inay u fiiriyaan halka uu aadi doono ka dib qandaraaskiisa. Laakiin qandaraaskiisa waxaa kaga hartay labo sanno iyo bar, meel uu u socdo ma jirto xagaaga, taas waa hubaal.

“Waxaan la fariisan doonaa wakiiladiisa, waxaana rajeyneynaa inaan xal helno xagaaga.” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay Rodgers

Arsenal-v-Liverpool\