Madax weynaha Soomaaliya oo furay Kalfadhiga 6-aad ee Baarlamaanka

0
298

Madaxweynaha jamhuuriyada Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa Furay Kalfadhiga Lixaad ee Baarlamaanka Soomaaliya,waxaana sidoo kale Xarunta Jooga Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya oo Furay kalfadhiga Baarlamaanka ayaa hadal kooban ka horjeediyay Mudaneyaasha Baarlamaanka Soomaaliya kaas oo intiisa badan uu uga hadlay Xaalada Guud ee Dalka iyo Shaqooyinka Adag ee Baarlamaanka horyaala islamarkaana laga sugayo in Baarlamaanka uu qabto.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa horyaala Shaqooyin badan oo la doonayo in ay qabtaan inta uu san Xirmin Kalfadhiga Lixaad ee Baarlamaanka