Madaxtooyada Maamulka Putnland Oo Ay Caawa Kasocoto Xalfad Lagu Soo Dhaweeynayo Madaxweeynaha Soomaaliaya

0
239

Xaflad lagu soo dhaweynayo madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud iyo wefdi uu hogaaminayo iyo madaxda maamul goboleedyada ayaa caawa ka socota magaalada Garowe.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxweynaha maamulka Puntland ayaa goor dhaw la filayaa inay soo fariistaan goobta ay xafladdu ka socoto oo ah barxad weyn oo ku dhex taal madaxtooyada Puntland, waxaana si aad ah loo adkeeyey Amniga madaxtooyada iyo guud ahaanba magaalada Garoowe oow ku suganyahay madaxweyynaha Soomaaliya.

dhinaca kale waxaa magaalada Garoowe ka socda shirkii wadatashiga Soomaaliya wejigiisa labaad oo maanta magaalada Garoowe uu ka furay madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Xasan Shiikh Maxamuud.