Madaxweynaha Oo Cambaareeyay Weerarkii Lagu Qaaday Shaqaalaha UN ka Ee Magaladda Garoowe

0
291

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si kulul u cambaareeyay weerarka maanta lagu qaaday shaqaalaha Qaramada Midooday ee Xafiiska magaalada Garowe.

War saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha ayaa lagu sheegay in weerarka lagu qaaday Qaramada Midoobey uu yahay mid lagu qaaday dadka iyo dalka Soomaaliya, gaar ahaanna ubadka Soomaaliyeed maaddaama shaqaalaha la weeraray uu xilkoodu ahaa waxbarashada carruurta Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa tacsi u diray eheleada iyo qaraabada dadka Soomaaliyeed ee weerarka maanta lagu dilay.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa tacsi u diray Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon iyo Madaxda dalalka ay u dhasheen Shaqaalaha Caalamiga ah ee QM ee weerarka lagu dilay, wuxuuna u sheegay in aan ummadda Soomaaliyeed illoobi doonin waxqabadka iyo taageerada Qaramada Midoobay iyo shakhsiyaadka naftooda u huray.

Madaxweynaha ayaa ballan qaaday in baaritaan deg deg ah in ciidamada Amniga ku sameyn doonaan qaraxa, isla markaana Qaramada Midoobey lala wadaagi doono xogta, iyadoo isla markaasna gacna furan lagu soo dhoweynayo haddii ay Qaramada Midoobey dooneyso in ay ka qeyb qaadato baaritaanka.

Ugu dambeyn War saxaafadeedka ayaa waxaa lagu booriyay Maamulka Puntland iyo Ciidamada Amniga Puntland inay sii xoojitaan, feejignaantooda, isla markaana aanay u dabcin argaggixisada oo hadda ku soo haray degaanno kooban, laguna daba jiro sida lagu yiri War saxaafadeedka.