Madaxweynaha Somalia iyo Wafdi uu Horkacayo oo Magaalada Garowe lagu so dhaweyay {DAAWO SAWIRADA}

0
245

Madaxweynaha Soomaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo oo ay ku jiraan xubno sar-sare oo ka tirsan dowladda Somalia ayaa maanta duhurkii ka soo dagay garoonka diyaaradaha magaalada Garowe.

Madaxweynaha Puntland, C/weli Max’ed Cali Gaas, madaxweyne ku xigeenkiisa, wasiirro, xildhibaano iyo inta badan dadweynaha magaalada Garowe ayaa madaxweynaha Somalia ku soo dhaweeyay Garowe.

Waxaa madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shekh Maxamuud uu mid mid u gacan qaaday dhamaan mas’uuliyiintii ku soo dhaweysay garoonka, iyadoo ciidamo badan lagu daadiyay magaalada ka hor imaanshaha madaxweynaha Soomaaliya.

Wafdigan ayaa lagu wadaa in Garowe ay ka qayb-galaan shir looga hadlayo hiigsiga 2016-ka oo wajigiisi koowaad horey loogu soo qabtay magaalada Muqdisho, waxaana safarkan mid lamid ah Garowe ku imaaan doona madax ka socoto maamul-goboleed-yada dalka.

Madaxweynaha Somalia iyo kan Puntland ayaa madaxtooyada ku leh kulan ay saxaafaddu dibad-joog ka tahay, kaasoo aan si rasmi ah loo ogayn waxyaabaha looga hadlayo ,waxaana lagu wadaa in laga soo saaro qodobo muhiim ah.

Mas’uuliyiin ka tirsan madaxtooyada Puntland oo aan la hadlay ayaa ii sheegay in kulanka labada dhinac diiradda lagu saarayo arrimo la xiriira xaaladda guud ee Somalia, gaar ahaan arimaha Federaalka iyo xoojinta xiriirka dowladda Soomaaliya iyo maamulka Puntland.

Ugu dambeyn, safarka uu madaxweynaha Soomaaliya uu ku soo gaaray Puntland ayaan ahayn kii ugu horeeyay ,waxaana lagu wadaa in natiijooyin laga soo saaro kulamada lagu qaban doono Garowe inta ay joogaan wafdigan.

XASAN PUNTLAND (6) XASAN PUNTLAND (5) XASAN PUNTLAND (4) XASAN PUNTLAND (3) XASAN PUNTLAND (1)