Madaxweynaha Soomaaliya oo ka Digay Darbiga ay Xukuumadda Kenya ka Dhisayso Xuduudda

0
313

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay madaxda dalka Kenya inay qaadaan qorshaaha ay xuduudda Somalia iyo Kenya u dhexeysa darbiga, kaasoo uu ku sheegay inuusan celin weerarrada ay Al-Shabaab ka geysanays dalkooda.

Xasan Sheekh oo u Warramaay VOA-da Axaddii la soo dhaafay ayaa dhanka kale ugu baaqay hoggaamiyeyaasha Kenya inay dalkooda kasoo saaraaan dalkooda iyo inay darbi dhisaan.

Sidoo kale, Xasan wuxuu gaashaanka ku dhuftay in eedeymaha la xiriira in Qoxootiga ku jira xeryaha Qoxootiga Dhadhaab inay yihiin kuwa mas’uulka ka ah weerarrada ka dhaca Kenya.

“Taasi ma ahan mid run ah, qofkii warkaas yirina ma garanayo dhaqanka Al-Shabaab,” ayuu yiri Maxamuud oo intaas ku daray. “Mid ka mid ah dadkii ka fuliyay weerarka Jaamacadda Gaarisa waxaa dhalay sarkaal Keenyaati ah; taasina waxay tusaale u tahay inuusan ahayn qof ka yimid xeryaha ku yaalla Dhadhaab. Anigu ma aaminsani inay xiriir leeyihiin qoxootiga Soomaaliyeed ee ku nool Dhadhaab iyo argagaxisadaa.”

Madaxweynaha Somalia wuxuu kaloo xusay in darbiga laga dhisayo xuduudda 680-km ee u dhexeysa Soomaaliya iyo Kenya uu yahay mid aan macno badan sameynayn.

“Annagu waxaan la dagaalamaynaa fikirka Xarakada Al-shabaab. Qorsahaha ugu weyn ee aan wadanan ma ahan mid milateri oo keliya,” ayuu yiri Xasan Sheekh oo intaas ku daray.”Marka darbi la dhiso ma celin karo fikirka Al-shabaab. Sidaa awgeed xukuumadda Kenya si cad nooguma sheegin qorshahan, balse hadii ay sameynayaana, waxaan la wadaagi doonnaa waayo-aragnimadeeda ku saabsan arrintan. Mana rumeysanin in darbi uu joojin karo cadaawadda Al-shabaab.”

Dhanka kale, madaxweyne Xasan ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay weerarkii Al-shabaab ay ku qaadday Jaamacadda Gaarisa, kaasoo ay ku dileen 148-qof, ka hor intii aysan ciidamadu dilin kooxihii weeraray.

gabagabadii , madaxweyne Xasan ayaa been abuur iyo wax aan jirin ku tilmaamay hadal ku aaddan hadalkii afhayeenka guud ee Al-shabaab ee ahaa in weerarkaas uu ahaa mid ka dambeeyay dhibaatooyinka ay ciidamada Kenya ku hayaan shacabka Soomaaliyeed ee ku nool gudaha Somalia. Isagoo xusay inay uga mahad-celinayaan xukuumadda Kenya iyo shacabkooda taageeraday ay Soomaaliya siiyeen.

xasan shiikh