Madaxweynaha Soomaaliya oo ku dhawaaqay In Cadaado Lagu Qabanaayo Shirka Mamul Usameynta G,dhaxe

0
298

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamuud oo maanta Booqasho ku tagay Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud ayaa shaaciyay halka lagu qabanayo Shirka Maamulka loogu sameenayo Gobolada Mudug iyo Galgaduud.

Xasan  Shiekh Maxamuud ayaa sheegay in 11-ka Bishaan ee ah Sabtida Soo socota uu Shirka Maamul u sameynta ka Furmayo Degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud,waxaana uu Xusay in Caasimadda Maamulka Gobolada Mudug iyo Galgaduud ay tahay Magaalada Dhuusamareeb.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa sidoo kale soo Xiray Shirkii Dib u heshiisiinta  ee Magaalada uga soconayay Odayaasha Dhaqanka Gobolada Mudug iyo Galgaduud.

Ugu danbeyn Madaxweynaha ayaa ugu baaqay Bulshada ku nool Gobolada Dhexe in ay ka shaqeeyaan Nabadda islamarkaana ay taageeraan Maamulka laga dhisayo Gobolada Dhexe.

xasan shikh