Madaxweynaha Soomaaliya Waa In Laga Hortagaa Werarada Ay Soo Qaadan Al.Shabaab Si Loo Maareya….

0
247

Madaxweynaha Dowlada  Federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo ka hadlay werarkii shalay lagu qaaday wasaarada Waxbarashada ee Xukuumada soomaaliya ayaa si kulul u cambaareeyay weerarka ay Al.shabaab ku qaadday dhisme ay leedahay Wasaaradda.

Mudane Xasan Sheekh Madaxweynaha Dalka wuxuu tacsi ah u diray dhammaan qoysaska, ehelada iyo qaraabada ay ka geeriyoodeen dadkii shacabka ahaa iyo askartii ku geeriyooday weerarka. Madaxweynaha ayaa sidoo kale u rajeeyay dadka dhaawaca ah in Ilaaheey u siiyo Caafimaad deg deg ah.

Xasan sheikh ayaa bogaadiyay ciidammada Amaanka ee Soomaaliya iyo ciidanka AMISOM oo si geesinnimo leh kaga hor istaagay werarka ay kooxda Al.shabaab ku doonayen iney kula waregaan Xarunta Wasaarada.

Madaxweynaha ayaa ugu dembeyn ku tilmaamay weerarka ay Al.Shabaab ku qaadday Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare oo qaabbilsan waxbarashada iyo tarbiyada ubadka Soomaaliyeed uu astaan u yahay sida ay kaga xun yihiin.