Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Wafdi uu Horkacayo oo Maanta ku Wajahan Degmada Cadaado

0
262

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta la filaya inuu tago degmada Cadaado ee gobolka Galguduud, halkaasoo lagu qaban-doono shirka maamul u sameynta gobollada dhexe ee Somalia.

Wararka ayaa sheegaya in safarka Xasan Sheekh oo ah kii ugu horreyay ee uu ku tago degmada Cadaado ee gobolka Galguduud, wuxuuna kulammo la qaadan doonaa madaxda Ximan iyo Xeeb iyo waxgaradka, waxaana la filayaa in madaxweynuhu uu ka sheego degmadaas maalinta uu shirku furmi doono.

Maamulka Ximan & Xeeb ayaa wali kasoo horjeeda go’aankii Xasan Sheekh uu ku gaaray in Dhuuso-mareeb ay noqoto caasimadda maamulka gobollada dhexe ee Somalia, waxaana la filayaa in arrimahaas xal laga gaaro oo ay kawada hadlaan madaxweynaha iyo maamulka Cadaado.

Sidoo kale, madaxweynaha Somalia ayaa inta uu joogo Cadaado wuxuu ku sameyn doonaa kormeer madasha shirka lagu qabanayo iyo halka ergada ka qaybgalay shirka dhismaha maamulka Mudug iyo Galguduud la dejin doono.

Diyaar-garow ballaaran iyo qaban-qaabo lagu soo dhaweynayo madaxweyne Xasan iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa ka socota magaalada Cadaado oo uu ku sugan yahay wasiirka arrimaha gudaha Somalia, iyadoo maalmihii u dambeeyay si weyn loogu diyaar-garoobaya qabashada shirka.

Amniga Cadaado ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo waddooyinka guud ee magaaladaas lagu arkayo ciidammo amniga adkeynaya, iyadoo ergooyin ka mid ah kuwa shirka ka qayb-galaya ay ku sugan yihiin degmadaas.

Si kastaba ha ahaatee, lama oga waxa kasoo bixi doona kulammada ay maanta Cadaado ku yeelan doonaan madaxweyne Xasan Sheekh iyo mas’uuliyiinta maamulka Ximan iyo Xeeb