Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyay Ansixinta Qorshaha La-dagaalanka Argagixisada

0
566

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhaweeyay tallaabadii ay golaha wasiirada Somalia ku ansixiyay is-taraatiijiyadda cusub ee looga hortagayo khatarta argagixisada ay ku hayaan Soomaaliya.

Xasan Sheekh ayaa muujiyay sida uu ugu kalsoon yahay istaraatiijiyaddan cusub oo uu sheegay in la ansixiyay xilli loo baahnaa. Isagoo yiri “Dowladda Federaalka Soomaaliya si wanaagsan ayay uga war-haysaa xanuunka falalka argagixisonimo ay ku reebi karaan Qaranka. Is-taraatiijiyaddan waa mid dhameystiran oo casri ah, taasoo ka dhalatey cilmi-baaris ballaaran oo la sameeyay iyo qiimeyn qoto dheer. Waa istaraatiijiyad lagu saleeyay Somalia, taas ayaana ah sababta aan kalsooni buuxda ugu qabo ansixinta sharcigan.”

Sidoo kale, madaxweynaha Somalia ayaa ammaanay ciidamada Qalabka ee Soomaaliya sida geesinimada leh ee ay mar walba ugu adeegayaan Qaranka Soomaaaliyeed.

“Soomaaliya waxay soo martay xanuun badan iyo rajo xumo, laakiin rajada waligeedba noolayd ee dalka waxay ahayd kalsoonida ay qabeen shacabka iyo shaqada adag ee ay hayaan ciidamada milatariga iyo booliska ee ragga iyo dumarka isugu jira, kuwaasoo khatarta jirta ka sokow hory u sii waday fulinta waajibaadkooda muqaddaska ah oo ah inay Qaranka Soomaaliyeed ka badbaadiyaan cadowga,’’ ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa wuxuu kaloo madaxweynuhu ka hadlay muhimadda in si dhow looga war-hayo ciidamada Qaranka u adeegaya. Wuxuuna mar kale yiri. “Dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an inay hir-geliso waajibaadkeeda kaga aaddan u adeegista shacabka iyo daryeelka haweenka iyo ragga ka tirsan laamaha amniga, kuwaasoo maalin walba dagaal kula jira kuwa doonaya inay waxyeeleeyan Qaranka. Waxaana ciidamada laga haqab-tiri doonaa baahiyada xuquuqaha sharciyeed, dharka, gawaarida iyo qalabka kale ee ay u baahan yihiin si ay ula tacaalaan cadowga kuwa gudaha jooga iyo kuwa dalalka dibaadda ka hawlgala intaba’.’

Xasan Sheekh ayaa dhanka kale xusay in is-taraatijiyaddan cusub ee la-dagaalanka argagixisada ay tahay mid qayb ka ah siyaasadda dowladda ee ku wajahan xasilinta dalka.

“Labadii sano ee lasoo dhaafay dowladda Soomaaliya waxay dadaal dheer u gashay inay dejiso, isla markaana dhaqan-geliso waajibaadka ammaanka naga saaran, taasao buuxin kara caqiidada shacabka Soomaaliyeed, kaasoo ku saleysan sharciga, xuquuqda aadanaha iyo nidaamka kale ee la xiriira,” ayuu mar kale yiri Xasan Sheekh.

Isagoo sii hadlayay ayuu yiri. “Waxaan dhammaanteen marqaati ka nahay isku-dayada fulaynimada ku dhisan ee Al-shabaab ku doonayaan inay ku car-qaladeeyaan horumarka dalkeena iyo dalalka aynu deriska nahay, laakiin ciidamada dowladda waxay labadii sanno ee lasoo dhaafay ay si joogto ah u wiiqeen awoodda Al-shabaab ay ku carqaladeyn kartay nolosha dadkeenna.’’

Madaxweynaha ayaa sidoo kale xusay in is-taraatiijiyaddaan ay muhiim u tahay dadaalka dib u dhiska Qaranka Soomaaliya. Isagoo yiri. “Walow ay jiraan weerarro argagixiso iyo dilal qorsheysan, dadka oo xoog lacag looga qaato iyo caga-jugleyn, haddana dowladda iyo ciidamada amniga waxay sii wadaan inay horay u sii dhaqaaqaan, hadafkuna waa inay ka dhabeeyaan rajada shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddan dhismaha bulsho mideysan oo dimuqraadiyadi ah. Is-taraatiijiyaddan kuma koobna oo keliya hadafka dowladda ee fulinta waajibaadka kaga aaddan shacabkeeda, balse waxay si cad u qeexeysaa in is-taraatiijiyadda la-dagaalanka argagixisada Soomaaliya ay muhiim u tahay dib u dhiska Qarankeena.’’

Ugu dambeyn, wuxuu kaloo madaxweynuhu sheegay in tallaabadan golaha wasirrada uu ku ansixiyay is-taraatiijiyaddan ay si weyn wax uga tari doonto dagaalka lagula jiro Al-shabaab.

“Waxaa hadafkeenna Qarani uu yahay in Somalia ay mar kale noqoto dalka nabad ah oo arrimahiisa ku mashquulsan – ku kalsoon mustaqbalkiisa, door wanaagsanna ka cayaarta arrimaha gobolka. Inagoo ka shidaal qaadanayna weerarradii waxashnimo ee lagu qaaday Hoteelka Makka al Mukarama iyo Jaamacadda Gaarissa ee gobolka Waqooyi Bari Kenya, taasina waxay inaga caawinaysaa qaab aan uga hortagno kuna wiiqno awoodda Al-shabaab ee gudaha dalka iyo dibaddiisa.”

XASAN SHIIKH