Madaxweyne Xasan Shikh Oo Manta Furaya Shirka Maamul U Sameynta Mudug Iyo Galgaduud,

0
283

Maanta oo Arbaco ah ayaa lagu wadaa in Magaalada Cadaado uu ka furmo Shirka Maamul u samaynta Gobolada Mudug Iyo Galgaduud.

Magaalada Cadaado waxaa ku sugan Madaxwaynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud Iyo Xubno ka socda Golaha Wasiirada.

Madaxweynaha ayaa tan iyo xalay waxa uu Magaalada Cadaado ka waday kulmo gooni gooni ah oo uu la qaadanayay, qaybaha kala duwan ee Bulshada.

Ammaanka guud ee degmada Cadaado waa mid aad iyo aad loo adkeeyay, waxaana magaalada oo dhan ku sugan ciidamo gaar ah oo loogu tala galay amniga in ay sugaan iyo kuwa AMISOM.