Mamaulka Jubba oo Dowlada Kenya kala kaashanaya adkeynta amniga

0
504
Iskaashi dhex mara ciidamada amaanka Kenya iyo kuwa maamulka jubba waxay qeyb ka qaadan kartaa in la hakiyo weerarada Al-shabaab ay ka geysanayaan qeybo ka mid ah dalka Kenya sida uu ka dhawaajiyay madaxweynaha Maamulka Jubba Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe .Shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay magaalada kismaayo wuxuu kaga hadlay sida loo adkeyn karo xadka kala qeybiya Kenya iyo Soomaaliya gaar ahaan deeganada Maamulka jubba oo soohdin la wadaaga maamulka jubba .

Wuxuu sheegay in laga maarmaan ay tahay in dadka u kala safraya labada dal loo cayimo goobo gaar ah oo dhaq dhaqaaqyadooda lagula socon karo.

Rag ka tirsan Al-shabaab ayaa aroornimadii shalay waxay weerar kula wareegeen jaamacad ku taala magaalada Gaarisa ee dalka Kenya kaas oo sababay geerida ku dhawaad 150-ruux iyo dhaawaca oo kor u dhaafaya 80-ruux.