Man United OO Saxiixa Depay Kaga Guuleysatay Liverpool & Ronald de Boer Oo La Barbardhigay CR7

0
308

 

Manchester United ayaa ku warantay iney saxiixa da’yarka kooxda PSV Eindhoven Memphis Depay iyadoo kusoo jiidaneysa ka qeyb galka Champions League iyo mushaar badan oo xidigaan uu ku qancay.

Liverpool ayaa ah kooxda kalia ee Man United kula tartameysay saxiixa xidigaan heerka caalami waxaana laga yaabaa in kooxdan ay lumiso booskeeda tartanka horyaalada yurub taasoo Memphis Depay markaas u jiidi karta Old Trafford.

 

Sidoo kale Man United waxey ku warantay in xidigaan ay mushaar ahaan u siin doonto todobaadkii xidigaan 100,000 kun Pound taasoo ah mushaar da’yarkaan uu ku qanci karo.

Sidoo kale halyeyga reer Holland Ronald de Boer ayaa amaanay Memphis Depay isagoo la barbardhigay Cristiano Ronaldo.

“Waa xidig gooldhalinta ku dheereya sidoo kalana shabaqa kasoo toogan kara meel walba, wax walba ayuu leeyahay” Ayuu yiri Ronald de Boer.

Ugu dambeyntii Memphis Depay ayaa aad loo amaanay waana xidig ka mid ah xidigaha haatan loogu jecel yahay horyaalka Holland.

L R Karim Rekik of PSV Adam Maher of PSV Memphis Depay of PSV PSV v Shakhtyor Soligorsk UEFA Eu