Marnaba Uma Qalmo Brendan Rodgers Inuu Liverpool Sii Leyliyo Madaama Uu Reds Ka Qasaariyay £216m!!

0
267

 

Waa hubaal Liverpoo sanad kale ayay ku dhameesan doontaa koob la’aan kadib markii FA Cup-ka ay rajada ka qabtay ka reebtay naadiga Aston Villa.

Waana sanadkii 3-aad oo xariir ah uusan macalin Brendan Rodgers wax koob ah u qaadin Liverpool wuxuuna mudadaas macalinkan dhalinta yar qarash gareeyay £216m!!

 

Weliba 22-cayaaryahan oo uu lacagtaas ku qarash gareeyay kuwo fara ku tiris ah ayaa Liverpool anfaceen oo wax muuqdo kusoo kordhiyeen.

June 2012 ayuu Rodgers hogaanka Liverpool la wareegay wuxuuna xiligaas qabtay naadi jah wareersan inkastoo uu si tartiib ah ugu soo celiyay xasilooni garoonka Anfield hadana Liverpool ma ahan naadi u baahan in xili cayaareed walbo koob la’aan a baxdo madaama qarashaad xoog leh ay gashay.

Macalin Rodgers kaliya wuxuu Liverpool ku sheegan karaa saxiixyada sedexda laacib ee tayada wanaagsan Daniel Sturridge, Philippe Coutinho iyo Simon Mignolet balse midaas cudur daar uma noqon karto.

Waxayna noqon doontaa arin lala yaabo hadii xagaagan ay masuuliyiinta Liverpool go’aansadaan in sanad kale oo dheeraad ah uu Rodgers sii hogaamiyo kooxdan faca weyn!

Rodgers