Mas’uuliyiin Ka Tirsan Maamulka Gobalka Hiiraan Oo Shaqo Joojin Lagu Sameeyay

0
419

Warqad shaqada looga fariisinayay gudoomiyaha degmada Baladweyne Maxamed Cismaan Macalin Khallaafow iyo gudoomiyaha siyaasadda gobalka Hiiraan Maxamed Ibraahim Cabdullaahi ayaa saacado kahor waxa ay kasoo baxday xafiiska gudoomiyaha maamulka gobolka hiiraan

Warqadaan ayaa lagu sheegay in ay ogyihiin dhammaan laamaha amniga Soomaaliya, Wasaaradda arimaha gudaha iyo Federaalka, waxaana ku saxiixan gudoomiyaha gobalka Hiiraan Cabdifitaax Xasan Afrax.

Nuxurka shaqo joojinta Labadaan mas’uul ayaa lagu sheegay in 10-kii bishii 1-aad ee sanadkaan uu xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka u jeediyay wasaaradda arimaha gudaha iyo Federaalka in xafiiska lahor keeno Labadaan Mas’uul ee kala ah gudoomiyaha degmada Baladweyne iyo gudoomiyaha Siyaasadda gobalka Hiiraan.

Sidoo kale warqadaan ayaa lagu xusay in 23-kii March 2015, wasaaradda arimaha gudaha fariin ay u dirtay Labadaan Mas’uul, islamarkaana si degdeg ah loogu jeediyay in ay hortagaan xafiiska xeer ilaaliyaha qaranka ee magaalada Muqdisho.

Gabagabadii qoraalkaan kasoo baxay xafiiska gudoomiyaha gobalka ayaa lagu yiri “Markii aan aragnay warqadaha sumadoodu ku caddahay, waxaan go’aaminay in shaqada ay ka fariistaan Labadaan mas’uul si KMG ah” waxaana sidoo kale lagu yiri “Laga bilaabo maalinta taariikhda ku beegan tahay 19-ka April 2015, waxaa sii hayaha gudoomiyaha baladweyne ah mudane Cabdi Faarax dahir”

Intaasi ka dib ayaa waxanu xiriir la sameynay gudoomiyaha maamulka gobalka Hiiraan Cabdifitaax Xasan Afrax si aynu wax uga weydiinno warqadaan, isaga oo xaqiijiyay jiritaankeeda, hase ahaatee waxa uu ka gaabsaday in faah faahin intaasi dheer ah uu ka bixiyo

Sidoo kale waxa aynu isku daynay in aan xiriir la sameenno mas’uuliyiinta shaqada laga fariisiyay si ay dareenkooda arintaan wax uga su’aalno, hase ahaatee inooma suurta gelin.