Mauro Icardi Oo Iska Diiday Heshiis Cusub Oo Ay Kooxdiisa Inter Milan Usoo Bandhigtay

0
387

 

Weeraryahanka reer Argentina Mauro Icardi ayaa sidii la filaayay niyada ka jebiyay maamulka kooxda Inter Milan kadib markii uu heshiis cusub iska diiday.

22-jirkan Inter ayaa usoo bandhigtay heshiis cusub oo u ogolaanayo inuu sanad walbo qaato €2.6m balse wuu iska diiday waxayna midaas sababi doontaa inuu xagaagan garoonka San Serio isaga tago.

Icardi xili cayaareedkan 15-gool ayuu Serie A-da ka dhaliyay wuxuuna horey u sheegay inuusan Inter baaqi kusii ahaan doonin haatana hadalkiisa ayuu ka dhabeeyay marba hadii uu heshiis cusub iska diiday.

Icardi iyo wakiilkiisa waxay Inter horey kaga dalbadeen €3m balse haatan dalabkooda mid ka yar ayaa miiska loo soo saaray waana sababta keentay inuu gabi ahaanba iska diido saxiixa heshiis cusub.

Inter Milan ayaa ku qasban inay xagaagan iska iibiso weeraryahankan oo ay ku raad joogaan saxiixiisa Chelsea, Arsenal, Liverpool iyo kuwo kale.

Inter Milan ayaa ku rajo weyneed marka uu xidigan heshiis cusub saxiixo inay qiimo ahaan qandaraaskiisa dul dhigto €30-€35m balse waxay ku qasbanaan doontaa inay lacagahan ka yar ku iibiso Icardi marba hadii uu diiday heshiis cusub.

Icardi