Maxkamadda Ciidamada oo amartay in la sii daayo Gaashaanle dhexe Cukaash

0
468

Gaashaanle dhexe Cismaan Cilmi Guure (Cukaash) ayaa maanta lasoo taagay Maxkamada Ciidamada Qalabka sida kadib markii uu xirnaa mudo 5-bil iyo 19-cisho ah ku xirnaa xabsiga dhexe ee xamar

Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ayaa cadeysay in damiyadii lagsuoo eedeyay lagu waayay Cukaash waxayna amartay in lasii daayo.

Amarka lagu xiray Korneel Cukaash ayaa waxaa la sheegay inuu bixiyay taliyaha Ciidanka Xooga dalka General Daahir Aadan Cilmi indha qarshe kadib markii uu tiriyay gabay uu kaga hadlayay dhibaatada Ciidanka Xooga, gabaygaasi oo uu ugu magac daray fariin qaran.

CUKAASH