Nasiib Daro Kale: Daniel Sturridge Oo Laga Yaabo Inuu Seego Kulamada Ka Haray Horyaalka Xili Ciyaareedkaan

0
273

Daniel Sturridge ayey suuragal tahay inuu seego kulamada ka harsan horyaalka Ingiriiska kadib markii xidigaan uu dhaawac kusoo cusboonaaday sida uu ka dhawaajiyay tababare Branden Rodgers.

 

Liverpool ayaa qabta dhibaato dhanka weerarka ah waxaana sii kordhaya musiibada xili ciyaareedkaan ku habsatay weeraryahanka madow ee xulka Ingiriiska kaas oo aan kulamo badan kasoo muuqan kooxdiisa xagaagan.

Sida ay heshay ESPN, Liverpool ayaa ku raad joogta da’yarka reer Holland Memphis Depay kaas oo ka tirsan kooxda PSV Eindhoven inkastoo xidigaas ay United dhankeeda loolan ugu jirto.

Daniel Sturridge kaliya 7-kulan ayuu nasiib u yeeshay inuu xagaagan kusoo bilowdo kulamada horyaalka, balse afar jeer ayuu dhaawac ku laabtay taasoo keentay inuu mudo badan garomada ka maqnaado.

“Aad ayuu u nasiib daran yahay, waa inaan xaaladiisa eegnaa waana arki doonaa sida ay noqoto” Ayuu yiri Branden Rodgers.

Ugu dambeyntii Sturridge ayaa 101 kulan u saftay Liverpool kulamada horyaalka Ingiriiska wuxuuna u dhaliyay kooxdiisa 21-gool oo qura.

Sturridge