Puntland Oo Gudi Baara U Saartay Qaraxii Maanta Ka Dhacay Magaalada Garoowe

0
261

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland  Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey ahna ku simaha madaxweynaha ayaa gaaray halkii uu ka dhacay qaraxii lala begsaday baskii ay saarnaayeen shaqaale katirsan Qaramada Midoobay.

Mr.Cameey ayaa sheegay in falkaasi ay aad uga xun yihiin, islamarkaana aanu wax u dhimeen amniga Garoowe iyo kala dambeynta halkaasi ka jirta.

Sidoo kale waxa uu Madaxweyne ku xigeenka Puntland Magacaabay 5 xubnood oo baaritaan rasmi ah ku sameeya qaraxaasi, kuwaasi oo kala ah:-

1: Wasiirka Aminga Puntland Xassan Cismaan Maxamuud Aloore

2: Wasiirka Warfaafinta ee Puntland Cabdiweli Xirsi Cabdulle

3: Wasiir Dawlaha caafimaadka Puntland Cabdullaahi Jaamac Cali

4: Taliyaha ciidamada Booliska Puntland Gen. Maxamed Saciid Jaqanaf

5: Taliyaha Nabadsugida Puntland Cor. Cabdullaahi

Qof ayaa la sheegay in maanta uu isku dhex qarxiyay gaari ay la socdeen shaqaale ka tirsan Qaramada Midoobay, waxaana halkaasi ku geeriyootay 7 ruux, iyadoo sidoo kale dhaawac uu soo gaaray 7-kale.