Qaar ka Mid Ah Dalalka Afrika Oo Muwaadiniintooda Kala Baxaya Koofur Afrika

0
200

Qaar ka mid ah wadamada Afrika ayaa bilaabay inay muwaadiniintooda kala baxaan Koofur Afrika, kadib markii uu sii xoogeystay weerarada ka dhanka ah dadka Ajnabiga ah ee ku sugan dalkaas.

Tani ayaa waxay ku keeni kartaa in wadamo badan oo xiriir wanaagsan la lahaa Koofur Afrika inuu xiriirkooda xumaado, markii muwaadiniintooda Koofur Afrika ay bilaabeen weerarada ay ku bartilmaameedsanayaan dadka Ajnabiga ah.

Dalalka Malawi, Burkina Faso iyo Zimbabwe ayaa bilaabay inay muwaadiniintooda la baxaan, iyagoo ka cabsi qaba in dhibaatooyin ay ku soo gaarto.

Rabshadahan ayaa saameeyay magaalooyin badan oo ku yaala dalka Koofur Afrika, waxaana ciidamo fara badan loo diray, si ay xaalada u dejiyaan, iyadoo ciidamada booliska ay adeegsanayeen sunta gaaska ee indhaha ka ilmeysiisa, si ay u kala eryaan dadka Koofur Afrika ee rabshadaha wada.

Ilaa iyo hadda waxaa u geeriyooday rabshadahan ka dhanka ah dadka Ajnabiga ilaa shan ruux oo ajnabi ah, waxaana la boobay dukaamo ku yaala magaalada Johannesburg iyo magaalooyin kale.

Madaxweynaha Koofur Afrika Jacob Zuma ayaa cambaareeyay rabshadaha, waxaan uu ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyay.

Dadka madowga ee Koofur Afrikaanka ayaa boob u geysanaya dukaamada ay leeyihiin dadka ajnabiga ah, waxaana ay ku andacoonayaan in dadka ajnabiga ay kala wareegeen ganacsigoodii iyo shaqooyinkooda.