Qarax Ka Dhacay Afqaanistaan Oo Aay Ku Dhinteeyn 33 Ku Dhimatay

0
216

Ugu yaraan 33 qof ayaa ku dhimatay qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay magaalada Jalaalabaad ee bariga dalka Afqaanistaan.

Qaraxa ayaa sidoo kale waxaa ku dhaawacmay ku dhawaad boqol qof oo kale.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhacay bannaanka hore ee bangi ay shaqaalaha dowladda ka qaadanayeen mushaaraadkooda.

Saraakiisha ayaa sheegaya in qofka qaraxa gaystay uu saarnaa mooto ama dhug-dhugley.

Waxaa jiray qarax kale oo ka dhacay isla magaaldaasi Jalaalabaad basle lama soo sheegin wax khasaara ah oo qaraxaasi ka dhashay.

Ilaa iyo haatan ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka ka dhacay bannaanka hore ee bangiga balse dagaalyahanada Taalibaanka ayaa muddooyinkii dambe waxa ay gaysanayeen weerarro lagu bartilmaameedsanayay bangiyada, dhismooyinka wasaaradaha dowladda iyo goobaha ciidamada lagu qoro.