Qaxootiga Qaarada Yurub oo lagu tilmaamay baranbaro

0
236

Madaxa xuquuqda aadanaha Qaramada Midoobay, Zeeyd Racad Al-Xuseyn, ayaa kula taliyay dowladda Biriten inay wax ka qabato waxa uu ugu yeeray kicinta soogalooti naceybka warbaahinta Biriten.

Wuxuu soo xigtay maqaal dhawaan uu qoray wargeyska Sun kaasi oo ku tilmaamay muhaajiriinta baranbaro, wuxuuna sheegay in taa ay la mid tahay luuqadii ay adeegsadeen warbaahinta Ruwanda ka hor xasuuqii.

Al-Xuseyn ayaa ka digay luuqadda dagaalka ee loo adeegsado muhaajiriinta oo aaysan u adkeysan karin, wuxuuna sheegay inay mas’uuliyad ka saaran tahay dowladda Biriten sida ku xusan sharciga caalamiga iyo kan dalka inay wax ka qabato wixii naceyb kicinaya.