Raashin Gar Gaar ah oo la garsiiyay dadka ku nool deeganka guriceel.

0
430

boqolaal Qoys oo kamid ah Dadka ku nool Degmada Gurceel Ee Gobolka Galgaduud islamarkaana uu saameynta ku yeeshay Dagaalkii dhawaan ka dhacay Degmada ayaa maanta waxaa loo qeybiyay Raashin Gargaar ah iyo Maacuun.

Dadka ayaa Raashinka la siiyay waxaa kamid ahaa Bariis,Boorash,Digir ,Saldiid iyo Kortoon Maacuun ah.

Hay’addaha WFP iyo ICRC ayaa Gargaarkaan u qeybiyay Dadka ku nool Magaalada Gurceel iyo sidoo kale Qoysaska Danjarta ah ee Degan Xeryaha Dadka soo barakacay.

Qaar kamid ah Dadka Gargaarka loo qeybiyay ayaa soo dhaweeyay Deeqda lagu Caawiyay,waxaana ay sheegeen in ay wax lagu Farxo ay tahay in la Caawiyo Dadkii uu Dagaalku saameeyay.