Rag lagu eedeeyay inay dileen mas’uuliyiin Dowlada ka tirsan oo xukun dil ah lagu riday

0
369
Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa maanta u fariisatay Eedeeymo loo haystay Rag ka tirsan Al-shabaab oo la horgeeyay Maxkamadda.

Eedeeysaneyaasha Maxkamadda la hor geeyay ayaa kala ahaa Shuceyb Ibraahin Mahdi iyo Faarax cali Cabdi,kuwaasoo lagu eedeeyay inay ka tirsanaayeen Al-shabaab,islamarkaana ay dileen mas’uuliyiin ka tirsan Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay in Ragaan ay dileen Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda oo ka ah Xildhibaan Saado Cali Warsame,Xildhibaan Maxamed Maxamuud Xayd, Xildhibaan Sheikh Aadan Madeer. Axmed Odawaa Baale oo Hay’adda Nabad Sugidda ka tirsanaa iyo Maxamed Axmed Maxamed oo Asna ka tirsanaa Nabad Sugidda Soomaaliya.

Guddoomiye Shuuti ayaa sheegay in Ragaan sidoo kale ay ka qeyb qaateen Weerarkii Xarunta UNDP ee Dadka badan lagu dilay,wuxuuna sheegay in Maxkamaddu ay Dil Toogasho ah ku xukuntay kadib markii ay Qirteen Dinbiyada lagu soo Eedeeyay.