Ra’iisal wasaare ku xigeenka Soomaaliya oo la kulmay madaxweynaha Jabuuti

0
197

Ra’iisal wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Maxamed Cumar Carte ayaa la kulmay madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle.

Kulanka oo ka dhacay xarunta madaxtooyada Jabuuti ayay labada mas’uul uga hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dowladood ee Soomaaliya iyo Jabuuti iyo shucuubtooda.

Madaxweynaha Jabuuti ayaa dowladda Somaaliya ku ammaanay dadaalka ay ugu jirto sidii ay nabad iyo horumar u gaarsiin lahayd dalka iyo dadkeeda, wuxuuna ku boorriyay inay inay laba-laabto waxqabadkeeda.

Ra’iisal wasaae ku-xigeenka Soomaaliya ayaa dowladda iyo shacbiga Jabuuti uga mahad celiyay taageerada joogtada ah ee ay siiyaan Soomaaliya, wuxuuna u sheegay warbaahinta in kulanku ku dhammaaday guul iyo is-af-garad.

Kulanka ayaa waxaa goob joog ka ahaa mas’uuliyiin ka kala tirsan xukuumadaha dowladaha Soomaaliya iyo Jabbuuti.