Ra’iisul Wasaaraha Oo Muqdisho ku soo laabtay, kadib safar uu Imaaraadka Carabta ku tagay

0
249

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashid Cali Sharma’arke iyo wadi uu hogaaminayo oo ay ka mid yihiin Wasiirka Dastuurka, Wasiirka Gadiidka, Wasiirka Warfaafinta, Wasiirka Diinta iyo Awqaafta, La taliyayaal iyo Xubno ka tirsan xafiiskiisa ayaa saaka dalka dib uga soo noqday.

Ra’iisul Wasaraha iyo wafdigiisa ayaa booqasho qaadatay saddex maalin waxay ku joogeen dalka Isu taga Imaaraadka Carabta oo ay marti qaad ka heleen madaxda dalkaas, waxayna kulamo gooni gooni ah la soo qaata madaxda ugu saraysay.

Wasiirka Warfaafinta iyo Dalxiisaka mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa saxaafada uga warbixiyey waxyaalihii u soo qabsoomay waftiga intii ay ku suganaayeen magaalda Dubai.

“Waxaan la kulanay  madax kala duwan, waxaana kawada hadlnay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga ka dhexeeya laba dal. Dowlada Soomaaliyana waxay uga mahadcelisay dowalada Imaaradka Carabta kaalamada balaaran ee ay la garab taagan tahay Soomaaliya taas oo  isugu jirta dib u dhiska, tababarka ciidamadda, arrimaha gar gaarka, iyo caafimaadka” ayuu yiri Wasiir Maareey

Safarada Madaxda dowladda ku tagaan dalalka deriska ayaa ah mid taxane ah, inta badana safaradaas lama arko wax natiijo ah oo ay dalka ku soo kordhiyaan, iyadoo shacabka ay la daala dhacayaan dhibaatooyin kala duwan oo isugu jira xaga bani’aadanimada iyo dhaqaalaha, waxaana la ogsoon yahay in Safarada Madaxda ay ku baxaan lacago aad u fara badan.

 

IMG_0707IMG_0687 IMG_0714 IMG_0716