Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Oo Ka Digay In Dadka Ka Soo Qaxaya Dalka Yemen Ay Ku Soo Dhex Dhuuntaan Alqaacida

0
265

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdrashid Cali Sharma’arke ayaa ka digey in qalalaasaha siyaasadeed ee ka jira dalka Yemen uu halis ku noqon karo wadamada kulaalka gacanka Cadmeed iyadoo dad badan ay ka soo cararayaan dagaalada ka soconaya dalka Yemen.

Inkabadan labo kun oo qaxooti ah ayaa soo gaaray gobolo ka mid ah dalka Soomaaliya iyo gobolada Waqooyi iyadoo hay’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ay isu diyaarinayso in ay soo gaaraan dalka Soomaaliya bilaha soo socda qaxooti hor leh oo gaaraya 100,000 oo ruux.

Dadka soo qaxaya ayaa waxa ay isugu jiraan dad Soomaali ah oo hore ugaga cararay dagaalada sokeeye ee dalka Soomaaliya.

Ra’iisal wasaare Sharma’arke ayaa waxa kale oo uu ka digey in xubno ka mid ah ururka Alqaacidada Carabta ee loo yaqaan AQAP in ay ku soo dhex dhuuman karaan dadka soo qaxaya, waxana uu codsaday in baaritaan adag lagu sameeyo dadka soo galootiga ah ee ka soo cararaya dagaalada ka socda wadanka Yemen.