Rasmi: Horyaalka Turkiga Oo La Joojiyay Gabi Ahaanba Kadib Muusiibadii Ku Dhacday Naadiga Fenerbahce

0
374

Xiriirka kubada cagta Turkiga ayaa si rasmi ah u joojiyeen horyaalka heerka kowaad ee dalkan mudo todobaad ah.

Joojinta horyaalka Turkiga ayaa ugu wacan kadib markii Bas-ka naadiga Fenerbahce uu nin hubeesan rasaas la dhacay waxaana ku dhaawacmay darawalkii kooxdan baska u waday.

Naadiga Fenerbahce ayaa dalbatay in horyaalka heerka kowaad ee Turkiga la joojiyo madaama amniga faraha ka baxay.

Sidaa darteed codsiga kooxdan waxaa aqbalay xiriirka kubada cagta Turkiga oo joojiyeen mudo todobaad ah in horyaalkan la cayaarin sidoo kalena baaritaan ayaa lagu sameyn doonaa musiibadii dhacday.

Gudoomiyaha xiriirka kubada cagta Turkiga Yildirim Demiroren ayaa xaqiijiyay in mud todobaad ah horyaalka la cayaari doonin sidoo kalena masuulkan ayaa sheegay in baaritaan lagu sameyn doono dhibaatada loo geestay kooxda Fenerbahce.

Turkey